Wararka

Wasiirka difaaca dalka Sudaan oo ku dhawaaqay dowlad ku meel gaar ah.

Wasiirka difaaca dalka Sudaan Awad Ibn Ouf ayaa ku dhawaaqay dowlad ku meel gaar ah oo jiri doonta mudda labasana ah waxaana amaanka dalkaas lawareegay Militariga dalka sudaan .

Militariga Suudaan ayaa hadda shaaca ka qaaday in xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaasi Cumar Al Bashiir oo dalka ka talinayay muddo 30 sanno ah.

“Guddiga sare waxay go’aansadeen inay ku dhawaaqaan in dalka uu ka jiri doonto dowlad kumeel gaar ah muddo 2 sanno ah, militariga ayaa si rasmi ah ula wareegaya awoodda iyagoo matalaya shacabka reer Suudaan” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Suudaan.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweynihii dalkas Cumar Xassan Al bashiir lagu haynayo goob ammaan ah isagoo dalka ku soo rogay xalad deg deg ah.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close