Wararka

Wasiirka Dastuurka iyo Duqa caasimada Muqdisho oo kawada hadlay Maqaamka Gobolka Banadir.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka xukuumada federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jamac ayaa Xafiiskiisa Ku qaabilay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud (Filish), iyagoo kawada hadlay arrimaha dib-u-eegista dastuurka gaar ahaan maqaamka caasimadda Muqdisho ay ku dhex yeelanayso nidaamka Federaalka.

Gudoomiyaha ayaa lasiiyay warbixin ku saabsan nuucyada maqaamka caasimadda ee ka jira dowladaha federaalka dunida si aragti looga qaato.

Gudoomiyaha ayaa ka mahadceliyay warbixinta tifaftiran ee loo soo bandhigay waxa uuna ballan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka islamarkaana dadka deggan caasimadda ay diyaar u yihiin in ay aragtidooda ku biiriyaan howlaha ka socda Dastuurka.Image may contain: 2 people, indoorImage may contain: 12 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 7 people, people sitting, table, living room and indoorImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people smiling, people standing and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close