Wararka
Wasiirka Dastuurka DFS oo daah furay Ololaha wacyigelinta ee dib-u-eegista dastuurka.
Wasiirka Dastuurka dowlada fadaralka Soomaaliya Saaalax Axmed Jaamac ayaa maant Magaalada Muqdisho waxa uu si rasmi ah uga daah furay Ololaha wacyigelinta ee dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya kaasi oo la gaarsiin doono dhamaan gobolada dalka.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa waxa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan wasarada dhalinyaro, Saxafiyiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay kulanka iyadoo magalada Muqdisho uu ka socondoono mudo sedax cisho ah.
Wasiirka Dastuurka dowlada fadaralka Soomaaliya Saaalax Axmed Jaamac oo daah furay Ololaha ayaa sheegay in dastuurka KMG ah ee Soomaaliya la doonayo in la gaarsiiyo dhamaan umada Soomaaliyeed si ay u arkaan xuquuqda ay ku leeyihiin dastuurka.
Wasirka ayaa yaa ku booriyay dhalinyarada ka qeybagleysa shirkan in ay aad ula socdaan ololaha si ay xog-ogaal ugu noqdaan dhameeystirka dastuurka dalka.