Wararka

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta”Aad ayuu mahadsan yahay Wasiir Geele oo aan maanta shaqadda kala wareegayo”

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta si rasmi ah xilkiisa ula wareegay.

Waxaa munaasabada  xilwareejinta maanta ka soo qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo wasiirro Xildhibaano iyo mas’uuliin kale.

Wasiirkii Hore Wasaaradda Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele ayaa xilka ku wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxaa uuna sheegay  in Warfaafintu heyso Shaqo badan oo aad muhiim ugu ah dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan xilkii Wasaaradda ku wareejiyo Wasiirka cusub waxaan u rajeynaa in uu shaqada meesheedii kasii wado meel fiican ayaana ugu imid ugana tagaa” ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta

Wasiirka Cusub ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dhankiisa ka hadlay munaasabada isagoo u mahadceliyay wasiirkii hore ee wasaarada Warfaafinta waxaa uuna  sheegay inuu halkaas kasii wedi doono shaqadii uu haayay Wasiir Geelle.

“Aad ayuu mahadsan yahay Wasiir Geele oo aan maanta shaqadda kala wareegayo waxaana balan-qaadaa in Howsha aan meesheedii kasii wado aniga oo latashanaya asiga iyo Shaqaalaha kale ee Wasaaradda”.

Ugu danbeyn Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda ayaa Wasiirkii hore ugu mahadcelyay shaqadda uu qabtay mudadii uu joogay, isaga oo Wasiirka cusubna sheegay in sababta loo soo xushay ay tahay in aqoon uu u leeyahay Warfaafinta. hadalkaan ayaa imanaayo kadib xili uu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ka qaybgalaayay munaasabad uu  Wasiirkii Hore Wasaaradda Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele xilka ku wareejinaayay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close