Wararka

Wasiirka Caddaaladda XFS oo kulan la yeeshay wasiirka Caddaaladda Galmudug.

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Xukuumada federaalka Soomaaliya  Xassan Xuseen Xaaji ayaa maanta xafiiskiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Maamul Goboleedka Galmudug Cabdi Maxamed Fiidow.

Kulanka dhexmaray Labada Wasiir ayay kaga wada hadlen sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxeysa wasaaradda Cadaaladda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo sidii wasaaradda cadaaladda XFS ay gacan uga geysan lahayd sidii wasaaradda cadaalada Galmudug sibuuxda uga soo bixi lahayd howlaha looga fadhiyo.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Galmudug Cabdi Maxamed Fiidow ayaa wasiir Xassan Xuseen Xaaji ugu mahadceliyay wadashaqeynta dhaw ee uu la yeeshay dowlad Goboleedka Galmudug iyo sida ay ugu go’antahay taageridda wasaaradda Caddaaladda Galmudug.

Image may contain: 2 people, people smiling, people sitting and indoorImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 5 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close