Wararka
Wasiirka Caddaalada Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray kulan wadatashi ah.
Wasiirka Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka dowlad goboleedka Konfur Galbed Maxamed Xuseen Xasan ayaa maanta Magaalada Baydhabo ka furey kulan wadatashi ah oo socon doona mudo labo maalmood kaas oo loo qabanayo Agaasimayasha guud iyo Agaasime waaxeedyada Wasaaradaha DGKGS.
Shirkaani wadatashi ah ayaa ku saabsan diyaarinta sharciyada ay ku shaqeeyaan Wasaaradaha Dowlad goboleedka Soomaaliya taas oo muhiim u ah howl-maalmeedka wasaaradaha.
Sidoo kale kulankaan ayaa inta uu socda waxaa ay Agaasimayasha guud ee Wasaaradaha iyo Sharci Yaqaanada wasaarada Caddaalada ku gorfeyn doonaan oo lagu baran doonaa hanaanka diyaarinta hindiso sharciyeedyada ay ku shaqeeyaan wasaaradaha Dowlad Goboleedka.