Wararka
Wasiirka Cadaaldda oo kormeer ku tagay taliska guud ee Ciidanka Asluubta.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaldda xukuumada federaalka Soomaaliya Abukaati Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta kormeer shaqo ku tageen taliska guud ee Ciidanka Asluubta.
Kormeer ka shaqo waxaa wasiirka ku wehlinaayay Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isal Wasaaraha Cabdullaahi Xaamid, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye guuto Jeneraal Mahad Cabdirahman Aadan iyo xildhibaano ka tirsan dowlada fedraalka.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xasan iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa u sameeyey dhiiragelin iyo wacyigelin Ciidanka, dardaaran guudna siiyey ineey sare u qaadaan howlaha ay u haayaan Qaranka, iyo ineey sifiican uga shaqeeyaan sidii ay u illaali lahaayeen qaabkii looga hortagi lahaa caabuqa aduunka qabsaday si maxaabiista ay illaaliyaan uusan uga dhicin.
Maanta ayaa degreeto kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya cafis loogu fidiyay maxaabiix gaarayso 148 maxbuus oo u xukunnaa dambiyo fudud.