Wararka
Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya oo shir guddomiyaya shirka billaha ah ee ay isugu yimaadaan Bahda Cadaaladda Soomaaliya ee heer federal iyo heer Dowlad-goboleed.
Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay shirka billaha ah ee ay isugu yimaadaan Bahda Cadaaladda Soomaaliya ee heer federal iyo heer Dowlad-goboleed.
Shirkaan waxaa gacan ka gaysta Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha,Wasaarada Qorsheynta iyo Hay’aha Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliyeed ka taageera tayeynta Hay’adaha Cadaaladda.
Shirka maanta waxaa shir guddomiyayay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Abukaato Xasan Xuseen Xaaji iyo safiirada Nederland iyo EU, waxaana lagu soo bandhigay adeegyada muhiimka ah ee la gaarsiiyey bulshada Soomaaliyeed, ayadoo ay dhammaan wasaaradaha Cadaaladda ay soo bandhigeen wax-qabadkii bilaha hore ee sanadka 2019.
Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidokale waxaa ay soo agaasintay shirka lagu ansixiyo mashaariicda la xirirta Cadaaladda iyo Asluubta ee lagu taageero Dowladda Soomaaliyeed (programme steering committee).
Inta uu socdan shirka ayaa waxaa la isku raacay in si electronic ah lagu ansixiyo barnaamijka Asluubta oo ay soo gudbiyeen Hay’adda UNODC, iyadoo hoosta laga xariiqay in la dar-dar galiyo howlaha socda ee qorshaha sanaka 2019.
Kullanka kan xigi doona ayaa lagu balamay in la iskugu yimaado bartamaha Bisha June 2019.