Wararka

Wasiirka Cadaaladda oo ka warbixiyay Kulanka 35 aad ee Golahq Wasiirrada Cadaaladda Dawladaha Jaamacadaa Carabta.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka warbixiyay Shirkii 35 aad ee wasiirada cadaaladda Jaamacadda Carabta oo uu kaga qayb galay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Wasiirka Cadaaladda XFS abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in kulanka wasiirada Carabta ajandihiisu uu ahaa shuruucda Wadamada Carabta, shuruucdaas oo looga hor Tagayo Dhibaatooyin fara badan oo ka jira caalamka qaas ahaan wadamada Carabta.

Shuruucda kulanka lagu soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa sharciga ka hortaga Dambiyada Abaabulan, shariciga ka hortaga iyo la dagaalanka waxa loogu yeera Argagaxisada, sharciga ka hortaga iyo la dagaalanka Muusuq maasuqa iyo sharciga ka hortaga iyo la dagaalanka lacag dhigista.

Sidoo kale Shirkii 35 aad ee wasiirada cadaaladda Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya qeyb ka aheyd ayuu sheegay Wasiirka cadaaladda XFS abuukaate Xasan Xuseen Xaaji in looga hadlay arimo ay ka mid yihiin qaxootiga iyo Barakacyaasha iyo arimo kale oo muhiim ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close