Wararka

Wasiirka Cadaaladda oo ka qayb galay kulan Suallo lagu waydiinaayay Hay’adda International Transparency.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Garsoorka Xukuumada federaalka Soomaaliya Abukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan kula qaadatay maanta magaalada Muqdisho Hay’adda International Transparency.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb galay khubaro ka socday Xafiiska Ra’isal Wasaaraha, Xarunta Warbixinada Maaliyadeed iyo Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Dalka.
Intii uu socday kulanka ayaa waxaa suallo la waydiiyay hay’adda International Transparency kuwaas oo badan kood khuseeyay warbixin ay soo saareen taasoo aan ka tarjumin xaqiiqda taala Soomaliya iyo meesha ay xogta ka helaan.

Waasiirka Caddaaladda ayaa hoosta ka xariikhay in dowlada federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay la dagaalanka musuqa waxaa uuna sheegay in ay horumariyeen dhammaan shuruucdii lagula dagaalami lahaa Musuqa.Image may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 3 peopleImage may contain: 1 person, sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close