Wararka
Wasiirka Cadaaladda oo dalka Talyaniga kaga qayb galay shir caalami ah.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda xukuumada federaalka Soomaaliya Abukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa Ka qeeb gallay shir caalami ah oo ka dhacay dalka Talyaaniga, kaas oo looga hadlaayey Arrimaha Cadaaladda iyo Garsoorka gaar ahaan ka hortaga faldanbiyeedka ka abuurma naceebka kaas oo keeni karo xasuuq iyo dilalka wadarta ah.
Sidoo kale kulanka ayaa intii uu socday waxaa kaloo looga hadlay ciqaabaha ka dhalankara faldanbiyeedyada ka abuurma naceebka kaas oo loo yaqaano danbiyada culus iyo wixii ciqaabtooda noqon lahaayeen.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda XFS, Abukaate Xassan Xaaji ayaa kulanka ka jeediyey khudbo aad u muhiim ah oo tabaneeyso hormarka Soomaaliya sameeneyso iyo dib u soo kabashada sida dhinacyada Amniga, Cadaaladda, Garsoorka, arimaha bulshada iyo dhaqaalaha.
Abukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sidoo kale ku booriyey dhigiisa Wasiirada Cadaaladda ee ka soo qeeb gallay kulankaan in hormarka Cadaaladda iyo Garsoorka ey damaanad qaadi karaan oo kaliya illaalinta xuquuqda aadanaha iyo ka hortaga faldanbiyeedka culus. Sidoo kale wuxuu ku booriyey wadamada ineey shuruucdooda maxaliga ah oo ku dhisan Dastuurka iyo heshiishyada caalamiga ey ogolaadeen In ay haboontahay in lagu dhaqmo si loo hello Cadaaladda waarto.