Wararka
Wasiirka Cadaaladda oo dalka Masar kulan ugu qayb galay.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo wafdi ka kooban saddex xubnood oo uu hoggaaminayo ayaa waxay Magaalo Madaxda Dalka Masar ee Qaahira oo sidoo kalena ay kutaal Xarunta dhexe Ururka Midow Jaamacadda Carab (Arab League) waxay uga qeybgaleen Kulanka 35-aad ee Golaha Wasiirrada Cadaaladda ee Dawladaha Jaamacadda Carabta.
Kulanka waxaa guud ahaan looga hadlay qoddobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; Ka hortagga Dembiyada Abaalan, La-dagaalanka Musuq-maasuqa, La-dagaalanka Lacag dhaqista iyo dembiyada Lacagaha la xiriira, Hab-raaca isu socodka qaxootiga iyo dadka soogalootiga ah iyo Arrimaha la xiriira mideynta Sharciyada Dawladaha Jaamacadda Carabta intii suuragal ah.
Kulanka waxaa lagu soo dandhigay heshiisyo dhawr ah oo ay leeyihiin Dawladaha Jaamacadda Carabta oo la xiriira arrimaha sare ku xusan. Waxaa kulanka Guddoonka Golaha Wasiirrada Cadaaladda Dawladaha Jaamacadda Carabta la wareegay oo sanadka soo socda guddoomin doona Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Dalka Baxreyn waxaana ku wareejiyey Wasiirka Cadaaladda Dalka Suudaan oo sanadkii hore guddoonka hayey.
Intii uu socday kulanka oo iska koobnaa ayaa waxaa lagu wadaagay hawlo aad u badan oo ay dan ugu jirto iskaashiga dawladaha Jaamacadda Carabta. Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Mudane Xasa Xuseen Xaaji ayaa kalmad aad u macno weyn oo inta badan taabaneysay qodobbaddii kulanka looga hadlay ka jeediyey goobta. Wuxuuna kulankaas kusoo dhamaaday guul iyo wada-shaqeyn sare.