Wararka

Wasiirka Cadaaladda KGS oo booqasho ku tagay xaruunta Maxkamadaha kale gedisan ee Baydhabo.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maxamed Xuseen Xasan ayaa maanta booqasho ku tagay xaruunta Maxkamadaha kale gedisan ee Baydhabo.

Shirkaan waxaa looga hadlaayey waxa u qabsoomey ka garsoor ahaan sanadkii 2020ka, wixii aqabado ahaa iyo waxa noo qorsheysan sanadkaan 2021.

“waxaa sharaf weyn ii ahayd inaan maanta booqasho ku tago xafiisyada maxkamadaha kale gedisan ee Baydhabo ka furan ka dibna aan shir miro-dhal ah la yeesho dhamaan gudoomiyaha golaha edeega Garsoorka KG, Xeer ilaaliyaha guud ee KG, Gudoomiyaasha Maxkamada Rafcaanka, gobalka iyo degmada, Garsooriyaasha, Xeer ilaaliyaasha, kaaliyaasha iyo gaarsiiyeyaasha” ayuu yiri Wasiir Maxamed Xuseen.

Sidoo kale wasiirka ayaa tegay xafiiska daqli aruurinta Wasaaradda Maaliyada Koonfur Galbeed Soomaaliya si sare loogu qaado daqliga Koonfur Galbeed guud ahaan, gaar ahaan kan garsoorka.Image may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 6 people, people sittingImage may contain: 6 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close