Wararka
Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka oo Muqdisho ka dahfuray tababar socon doona labo maalin.
Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa manta magaalada Muqdisho ka dahfuray tababar socon doona labo maalin.
Tababarkaan ayaa ku saabsan habka qorista shuruucda waxaana ka soo qaybgalay xubno matalaya qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda sida Wasaaradda Arrimaha gudaha, Amniga, Dastuurka, xafiiska xeer ilaalinta, Maxkamadaha iyo qaar kamida Jaamacadaha casimada dalka ku yaalo.
Tababarkaan waxaa bixinaayo khubara taqasuus u leh oo uu kamid yahay Dr Xasan Jaamici oo dhawaan Dalka Mareykanka ka yimid. mas,uuliyiinta wasaaradda cadaaladda ayaana sheegay in Barnaamijkaanu muhiimad weyn u leeyahay bahda garsoorka.
Wasiirka Cadaaladda iyo garsoorka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo tababarka furay ayaa ka warbixiyay muhiiimada tababarkaan iyo qaabka uu u dhici doono.
“Tan iyo markii la ii magacaabay xilka wasiirka Cadaaladda waxaan dadaal dheer u galay sidii loo hormarin lahaa waaxda qorista Shuruucda oo ah waax muhiim ah tababarkaani qorshahaas ayuu qayb ka yahay waana naga go’antahay waxaan idinkula talinayaa inaad ka faa,iideysataan labada maalin ee uu socdo”ayuu yiri Wasiirka.