Wararka
Wasiirka caafimaadka Somaliland oo iska difaacy eedeymo loo soo jediyay oo ku saabsana in uu ku fashilmay Xilka wasaradda.

Wassiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka maamulka Somaliland Cumar Cali Cabudllahi oo ku sugan magaalada Burco ayaa ka hadlay dadaalada uu maamulkaasi ugu jiro ka hortaga iyo yareynta faafida xanuunka coronaviruska ee deeganada Somaliland sida ba’an u saameyay.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay qorsha ay ku doonayaan in ay magaaladaasi ku geyaan mashiinta neefta siisa dadka uu soo ritay xanuunka covid-19.
Ugu danbeyn wasiir Cumar Cali Cabudllahi oo iska difaacay edeymo ahaa in uu ku fashilmay xilka wasaaradda caafimaadka ayaa sheegay in shaqada wasiirka caafimaadka aysan aheen in uu bukaanada daaweeyo ee ay masuuliyad ka saarantahay sidii uu qorshaha iyo siyaasada u dagan wasaaradda ugu badali lahaa ficil.