Wararka

Wasiirka caafimaadka Puntland oo kulan la qaatay wakiilka dowlada Finland u qaabilsan Africa.

Wasiirka caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland Dr. Jamac Farax Xasan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka dowlada Finland u qaabilsan Africa iyo masuuliyiin ay hor ka caysay.

Kulanka uu wasirka la yeeshay wakiilka dowlada Finland u qaabilsan Africa ayaa waxaa ay kaga wada hadleen sidii ay dowlada Finland u soo celin laheyd Mashruuc ay qurbojoogta Soomaliyeed ee taqasusuka u leh caafimaadka ugu imaan jireen deeganada Puntland kuwaas oo adeegya caafimaad ka fulin jiray.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland, ku-xigeenka wakiilka hay’adda UNFPA Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close