Wararka
Wasiirka caafimaadka oo kulan la qaadatay wasiirka dhallinyarada iyo caruurta dalka Ireland.

Wasiirka caafimaadka xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Fawziya Abikir Nuur ayaa maanta kulan mira dhal ah la yeelatay wasiirka dhallinyarada iyo caruurta dalka Ireland Katherine Zappone.
Dr. Fawziya Abikir Nuur ayaa wasiir Katherine Zappone kala hadashay arrima ay kamid yihiin xaaladaha caafimaadka cuniga iyo Hooyada iyo xeriirka labada wasaaradood.
Wasaaradda caafimaadka ayaa dadaal ku xibinayso sidii ay calaaqaad wanagsan ula yeelan laheed wasaaradaha ay bah-wadaagga yihiin ee caalamka si ay garab ugu siiyaan soo kabashada xaaladaha caafimaad ee dalka.