Wararka

Wasiirka Boostada oo shir ugu qayb galay dalka Qatar.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Eng; Cabdi Cashuur Xasan, ayaa ka qeyb galaya bandhigga Tiknolojiyadda ee Dalka Qadar iyo Shirka Madasha ammaanka Munich (Munich Security Conference).

Shirka iyo bandhiga Isgaarsiinta Qadar oo ay ka soo qeyb galeen madax ka socotay Dalal kala duwan ayaa waxaa daahfurey Amiirka Dowladda Qadar, Tamim bin Hamad Al Thani, Shirkan ayaa muddada uu socdo waxaa looga hadlayaa qodobbo ay ka mid yihiin ammaanka Internetka, horumarinta iyo Isticmaalka Tiknolojiyadda, hal-abuurka Dhallinyarada iyo dooddo kala duwan oo la xiriira isticmaalka adeegyada xukuumad danabeedka (e-government), iyo ganacsiga Ellektarooniga ah (E-commerce).

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa sheegay in ka qeygalka shirarka iyo bandhigyada noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin wadaagista khibradaha iyo qorshayaasha, gaar ahaan Dalka Qadar oo ka mid ah kuwa ugu horreeya Dalalka Carabta dhinaca baahinta Tiknolojiyadda.

”Waxaa naga go’an in aan sahmino helitaanka Dalal , Ururro, Shirkado iyo khubaro naga caawiya fulinta siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Tiknolojiyadda ee ay dhowaan Wasaaraddu diyaarisey” ayuu yiri Cabdi Cashuur Xasan.

Wafdiga Wasiirka oo uu ka mid yahay Maareeyaha guud ee hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Cabdi Sheekh Axmed ayaa inta ay joogaan Dalka Qadar waxa uu shir gaar ah la yeelanayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dalka Qadar.

    

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close