Wararka

Wasiirka Boostada iyo Teknolojiyadda dalka oo kulan la qaatay Madaxweynaha Ururka Dayax-gacmeedka Carbeed.

Wafdiga uu hoggaaminaayo wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Eng Cabdi Cashuur Xasan oo booqasho ku jooga dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay kulamo la qaateen Masuuliyiinta Ururka Dayax-gacmeedka Carbeed ee loo yaqaan ARABSAT oo saldhigiisu yahay magaalada Riyaad.

Madaxweynaha ahna Agaasimaha Guud ee ARABSAT Eng. Khalid A. Balkheyour oo ku soo dhoweeyey wafdiga xarunta Ururka ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhoweynayaan ka qeybqaadashada firfircoon ee soomaaliya ee howlaha Ururka ARABSAT maadaama dalka Soomaaliya uu kamid yahay saamileydii asaastay Ururka.

Kulamadan labada dhinaca oo ku soo dhammaadey is-afgarad ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay sidii dowladda Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd adeegyada ARABSAT iyo sidii dalka Soomaaliya loogu caawin lahaa kaalmo farsamo oo la xiriirka dhinaca horumarinta Isgaarsiinta.

“waxaa naga go’an in aan si firfircoon uga qeybqaadano dhammaan howlaha Guddiyada, Hay’addaha iyo Urrurada Gobol, Qaaradeed iyo Caalami ee isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, kuwaas oo aannan badankood ka dhex muuqan muddo, taasna waxa ay muhiim u tahay wadaagista khibradaha iyo mideynta dadaalada,” ayuu yiri wasiir Cashuur.

wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in xiligaan hadda la jooga ayna suurta gal aheen in dal uu kaligiis is maarayn karo sidaasi darteetna loo baahan yahay in u jeedooyinka lagu midoowa.

“iskaashiga iyo isku-xirnaanshaha adduunka gaar ahaan dhinaca tiknolojiyadda waxa uu marayaa maanta heer aysan suurto-gal ahayn in aan gooni u socono, daddaaladan dhamaantoodna waxa ay leeyihiin hal ujeedo oo ku saabsan fulinta qeybaha kala duwan ee Siyaasada iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.Image may contain: 5 people, people standing and indoorImage may contain: 5 people, people standingImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 11 people, people smiling, people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close