Wararka

Wasiirka Boostada Isgaarsiinta oo adeegyo lagu horumarinayo isticmaalka Teknolojiyadda ka daahfuray Jaamacadda Umadda qaybteda Galmudug.

Wasiirka Boostada Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdi Cashuur Xasan ayaa Xarunta Jaamacadda Ummadda qaybteeda Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ka daahfuray adeegyo lagu horumarinayo isticmaalka Teknolojiyadda.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in adeegyadan ay yihiin kuwo bilow ah oo asaas u ah horumarinta Jaamacadda laguna dul dhisi doono mustaqbalka adeegyo kale oo ka horumarsan.

Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Prof. Maxamed Axmed Jimcaale ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda ka dhabaynta balanqaadkii uu u sameeyey Jaamacadda Ummadda, waxaa uuna qiray in adeegyadan ay baahi weyn u qabtey Jaamacadda.

Daahfurka adeegyadaan cusub ee la xeriira Teknoolojiyadda ayaa waxaa ka kasoo qayb galay ardeyda, Macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faraceeda Caabudwaaq, Gudoomiyaha Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed, Senator Cabdiwaaxid Cilmi Cumar (Goonjeex), Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan, Maareeyaha Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta ee Wasaaradda, Ganacsato iyo Maamulka Degmada.

Adeegyadan lagu horumarinayo isticmaalka Teknolojiyadda ee Jaamacadda ayaa waxaa ka mid ah soo gelinta khad Internet ah oo ay isticmaali karaan Maamulka, Macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda, Dhisimaha Shabakadda Gudaha (Network) ee Jaamacadda waxaa sidoo kale qayb ka ah 39 Laptops, Computers iyo Printers cusub oo  tayo sare leh.

Hirgelinta adeegyadan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Maktabakad Elektroonik ah (Digital Library) oo ay ku jiraan Buugaag, Casharo maqal iyo Muuqaal ah & maqaalo cilmi ah iyo tababaro loo samayn doono Shaqaalaha Teknoolojiyadda Jaamacadda, iyadda oo xoogga la saarayo sidii loo abuuri lahaa koox hawlwadeenno ah oo ku filan horumarinta iyo maamulka agabka lagu wareejiyey Jaamacadda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close