Wararka
Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka oo gaaray magaalada Baqdaad ee caasimda dalka Ciraaq.
Madaxweynaha dalka Ciraaq, Barham Salih ayaa sheegay in Jarmalku ay dadaal weyn ka qaateen xal u raadinta arrimaha khilaafka ka jiro iyo nabadeynta gobolka.
Wasiirka arrimha dibadda Jarmalka Heiko Maas ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee caasimda dalka Ciraaq halkaas oo u wadahadalo kula yeelan doona mas’uuliyiin Uu kamid ra’iisal wasaaraha dalkaasi Adil Abdul-Mahdi al-Muntafiki.
wadahadalada ay mas’uuliyiinta yeelan doonaan waxaa diiradda lagu saari doonaa Arrimaha ka taagan bariga dhaxe iyo sidii xal loogu heli lahaa xaalada ka dhex aloolsan dalalka Maraykanka iyo Iiran sida uu wakaalada wararka ee Anadolu Agency u sheegay mid kamida mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq kaas oo lagu magacaabo Ahmad al-Sahaf.
Madaxweynaha dalka Ciraaq, Barham Salih ayaa sheegay in Jarmalku ay dadaal weyn ka qaateen xal u raadinta arrimaha khilaafka ka jiro iyo nabadeynta gobolka.
Heiko Maas ayaa waxaa la rajayniyaa in uu sidoo kale gaari doona Iiran maalinta Isniinta isagoo halkaas wada hadalo kula yeelan doono dhiggiisa dalka Iiran Javad Zarif, sida uu sheegay mas’uul u hadlay wasaarada arrimaha dibadda dalka Jarmalka.
Booqashada wasiirka arrimaha dibadda dalka jarmalka ayaa kusoo aadeeysa iyadoo ay xiisad diblumaasi ka dhex taagantahay Iiran iyo Maraykanka kadib markii ay xukuumada Washington ku dhawaaqday in ay dib ugu baxday heshiiskii nugliyeerka ee u dhaxeeyay xukuumada Tehran iyo shanta xubnaha joogtada ee Qaramada Midoobe oo ay 6-yso Jarmalka.