Wararka
Wasiirka Arrimaha Guddaha oo gaaray magaalada dhuusamareeb.
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo dib-u-hishiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa gaaray magaalada dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.
Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, waxaana ujeedka socdaalkooda ay la xiriirtaa sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen madaxda Galmudug ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb oo ay kala hadlayaan hanaanka ku saabsan doorashada Galmudug.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in doorashada Galmudug ay dhici doonto 4-ta bisha Luulyo isla markaana la qabto shirweyne dib u heshiisiineed.
Dhankale warsaxaafadeed kasoo baxay maanta maamulka Galmudug ayaa looga digay dhamaan shirkadaha diyaaradaha ee ka howl-gallo deeganada Galmudug in ay soo qaadaan shaqsiyaadka ka tirsan xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya taas oo sare u sii qaadi karta khilaafka ka dhaxeeyo dowlada dhexe iyo maamulka Galmudug.