Wararka
Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo kulan la qaatay Saraakiisha ciidamada ammaanka Qaranka iyo AMISOM.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u-heshiisiinta xukuumada federaalka Soomaaliya General Mukhtaar Xuseen Afrax oo ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiisha ciidamada ammaanka Qaranka iyo AMISOM.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xaqiijinta amniga Gobolka Hiiraan iyo dhamaan deegaanadda Dowlad goboleedka Hirshabelle.
Wasiir General Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa dhowrkii todobaad ee ugu dambeeyey howlo dib u-heshiisiin iyo nabadeyn ah u jooga gobolka Hiiraan oo ay ka jiraan Jamhadda isku magacaabay Xaqdoonka Hiiran.
Kulanka waxaa wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u-heshiisiinta xukuumada federaalka Soomaaliya ku wehliyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar.