Wararka
Wasiirka arrimaha Gudaha Puntland oo kulan la qaatay Qaar kamid ah hoggaamiyaasha ururada haweenka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderalka & Dimuqraadiyeynta dowlad goboledka Puntland Maxamed musadaq, ayaa kulan laqaatay qaar kamid ah Gudoomiyaasha sagaalka Gobalka ee urrurada Haweenka Puntland.
Ujeedka kulanka ayaa ku saabsanaa Dardargalin howlaha shaqo ee xafiisyada urruradda Haweenka ee Gobalada Puntland, Doorka Hormarinta siyaaasada Haweenka Puntland, isku xirka bulshada Iyo ka shaqeynta Arrimaha Bulshada.
Kulanka uu wasiir musadaq laqaatay Gudoomiyaasha Ururada Haweenka Sagaal Gobalka Puntland,Waxaa Goob-joog ahaa Isku-duwaha ururada Haweenka Puntland Nadiifa Maxamed Saciid(Ubax).