Wararka

Wasiirka arrimaha Gudaha DFS oo soo dhaweeyay Xildhibaanada Cusub ee Koonfur Galbeed.

Wasiirka arrimaha Gudaha dowlada federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta soo dhaweeyay xildhibaanada cusub ee dawlad goboleedka Koonfur Galbeed isagoo ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo igmaday.

Wasiirka ayaa sidoo kale ugu mahadceliyay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen sida taxadarka leh ee maamulkiisu u fududeeyay in arintaasi si wanaagsan ku soo dhamaato.

“Waxaan hambalayo iyo bogaadin u dirayaa xildhibaanada cusub ee dawlad goboleedka Koonfurgalbeed waxaan u rajaynayaa inuu Eebbe ku guuleeyo inay ufan dadkood ugu adeegaan. Waxaan ugu mahadnaqayaa madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen sida taxadarka leh ee maamulkiisu u fududeeyay in arintaasi si wanaagsan ku soo dhamaato” ayuu ku Yiri wasiir Sabri qoraal koban oo uu soo dhadhigay bartiisa Facebook-ga.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close