Wararka
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay Safiirka Sucuudiga u qaabilsan Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa, Safiirka U addeegaha labada xaram ee sharafta leh u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Mohammed bin Abdulghani Khayat.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa, Safiirka Sucuudiga u jooga Soomaaliya Dr. Mohammed bin Abdulghani Khayat.
Wasiirka ayaa Dr. Mohammed bin Abdulghani Khayat kala hadlay xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya madaxda iyo shacabka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii looga shaqeyn lahaa horumarinta wax wadaag xooggan oo wax ku ool ah oo ku saabsan dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha iyo horumarinta dhaqaalaha.
Waxaa sidoo kale kulanka diiradda lagu saarray ka wada hadalka arrimo badan oo khuseeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ku qotoma xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.