Wararka
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Imaaraatka xoojinta xiriirka laba dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowlada federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee dowlada Federaalka Soomaaliya Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi.
Masuuliyiinta labada dhinac ayaa kulankooda intii uu socday waxaa ay kaga wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo horumarinta iskaashiga oo ka qeybqaadanaya kor u qaadida heerka xiriirka labada dal si loogu dhaqaaqo wax wadaag sal ballaaran leh.
Dowlada Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee cilaaqaadka u jaray dowlada Qatar taas oo si dhaw ula shaqayso dowlada federaalka Soomaaliya halka Soomaaliya oo kamid ah dowladaha Carabtana ay go’aankaasi dhax-dhaxaadnimo ka qaadatay.