Wararka

Duqa caasimada dalka oo kulan la qaatay agaasimaha hey’ada QM u qaabilsan qaxootiga aduunka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka kulan kula qaatay agaasimaha hey’ada QM u qaabilsan qaxootiga aduunka ee UNHCR gaar ahaan Bariga iyo geeska Africa Mss. Clementine Nkweta-Salami.

Masuuliyiinta hey’ada UNHCR iyo duqa magaalada Muqdisho ayaa arimaha badan isla meel dhigay oo ay kamid ahaayeen horumarinta wada shaqeynta maamulka gobolka Banaadir iyo HNHCR, dardargalinta mashaariicda lagu taageeraayo dadka barakacayaasha ee ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir kuwaas oo lagu qiyaasay iney kor u dhaafeen ( 500.000) qof, sidoo kale waxaa kulan kaan looga hadlay shaqa abuurka dhallinyarada iyo dhismaha xarumaha danta guud.

agaasimaha Bariga iyo geeska Africa u qaabilsan hey’ada qaxootiga aduunka ee UNHCR Mss. Clementine Nkweta-Salami ayaa kulanka kadiba warbaahinta qaranka la hadashay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu tilmaamay in madaxda hey’adda UNHCR ay islameel dhigeen arima muhiim ah.Image may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and suitImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 2 people, people standingImage may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: 7 people, people standing and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close