Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Itoobiya ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,  Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Axad ah, xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee  Itoobiya u qaabilsan dowladaFederaalka Soomaaliya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.
Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa carabaabay yididiillada uu ka qabo in Safiirka cusub uu guul ka gaaro howlaha loogu igmaday Soomaaliya oo faa’iido u ah xiriirka iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo ku baaqay in la mideeyo dadaallada si looga faa’ideysto fursadaha iskaashi.
Waxa uu sidoo kale bogaadiyay wada-tashiyada laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal ee ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa heer caalamiga ah ee ka tarjumaya danta guud.
Dhankiisa, Danjiraha cusub ee Itoobiya ayaa caddeeyay mowqifka sugan ee dalkiisa ee taageeraya shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adahihiisa dowliga ah, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ka shaqeynta Soomaaliya iyo hamigiisa ah inuu horumariyo xiriirka dhow iyo howlaha isku duwid ee taabagelinaya danaha labada dal, korna u qaadaya iskaashiga laba geesoodka ah.May be an image of one or more people, people standing and indoorMay be an image of one or more people, people standing, suit and indoor
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close