Wararka
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Safiirka Shiinaha xoojinta xeriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta kulan Magaalada Muqdisho kula yeeshay Safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya, Qin Jian, iyada oo laga wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal iyo labada shacab.
Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa boggaadiyay deeqaha waxbarasho ee Shiinaha uu siiyo ardayda Soomaaliyeed iyo barnaamijyada tababar ee diblomaasiyiinta iyo shaqaallaha rayidka Xukuumadda Federaalka si ay u kobciyaan xirfaddooda, howlgudashadooda iyo u adeegiddooda shacabka, isagoo ku baaqay in iskaashi ballaaran iyo maalgeshi laga sameeyo dhinacyo kala duwan oo horrumarin ah si dalka dib u dhis loogu sameeyo.
Wasiir Cawad ayaa dowlada Shiinaha ugu mahadceliyay sida ay u garab taagan tahay dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed iyo waliba deeqaha waxbarasha ee dalka ka fuliyaan.