Wararka
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka warbixiyay furitaanka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowlada federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, oo qayb ka ah wafdiga uu hoggaamiyo madaxweynaha dowlada Soomaaliya Mohamed Cabdullahi farmaajo oo maanta ka qayb galay furitaanka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika ayaa ka warbixiyay waxyaabihii looga hadlay kulanka.
Wasiir cawad ayaa sheegay in kulanka ay haddalo ka jeediyeen madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin iyo madaxweynaha dowlada Masar Abdel-Fattah el-Sissi ahna Guddoomiyaha Ururka Midowga Africa kaas oo ku aadan xeriirka labadha dhinac.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay jireen kooxa iyagu soo bandhigayaya xeriirka iskaashiga dhaqaale ee dalalka Africa iyo Ruushka, heerka uu maraayo, caqabadaha mararka qaarkood haysto iyo fursadaha jiro.
Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in shirka madaxda uu biritoole furmi doona hadduu Allah idmo waxaana kulankaasi madaxweynada dalka ku wehlinaayo Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).