Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo dhiggiisa Kenya ku soo dhoweeyay Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa saaka ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Kenya, Marwo Raychelle Omamo, kadib markii ay soo gaartay gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle , iyada iyo wafdi ay hoggaaminaysay, si looga wada hadlo qaababka iyo siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga wadajirka ah ee u dhexeeya labada dal ee deriska ah.

Labada wasiir waxay yeesheen wada hadallo laba geesood ah oo ku saabsan xiriirka, waxayna wada xuseen muhiimadda ay leedahay qaadista tallaabooyin la taaban karo si loo muujiyo xurmadda madax -bannaanida, midnimada dhuleed iyo madax -bannaanida siyaasadeed, kuwaas oo ah gundhigga xiriirka labada dal.

Marwo Raychelle Omamo ayaa lagu wadaa in ay la kulanta Ra’isal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xussen Roble.May be an image of 3 people, people standing and outdoorsMay be an image of 2 people, people standing and outdoorsMay be an image of 5 people, people standing and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close