Wararka
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga oo lakulmay Ra’iisal wasaaraha dalka Masar.
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa kulan la yeeshay Ra’iisal wasaaraha dalkaas Mustafa Madbuuli, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka Dawladaha Soomaaliya iyo Masar.
Ra’iisal wasaare Mustafa ayaa bogaadiyey dadaalada dib u kabashada ah ee Soomaaliya ay samaysay sanadihii dambe, waxaana uu balan qaaday inay sii wadayaan taageerada ay siinayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
wasiirka arrimaha dibadda iyo ishkaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sidoo kale shir guddoomiyey kulanka wasiirada arrimaha dibadda dalalka Jaaamacadda Carabta oo looga hadlay qadiyadda Falastiin iyo xaaladaha wadamada ururka ku jira.