Wararka
Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Oo Goordhow Soo Gaaray Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea Cismaan Saalix iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalkaas Yemane Gabreab ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho, waxayna maanta wada hadallo kula yeelan doonaan Villa Soomaaliya Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Wafdiga waxaa Garoonka Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad.