Wararka

Wasiirka arrimaha dibadda Eretrea oo ka dagay magaalada Hargeysa.

Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland.

Booqashada wasiirka arrimaha dibadda Eritrea, Cusmaan Saalax Maxamed oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa saaka laga war helay xilli uu ka soo dagayey garoonka caalamiga ee cigaal ee magaalada Hargeysa.

Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magalada Hargeysa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici.

Wasiirka arrimaha Dibada Eritrea Cusmaan Saalax Maxamed ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo ka wada hadli doona  arrimo dhowr ah.

Ilaa iyo hadda lama oga ujeedka uu u gaaray magaalada Hargeysa Wasiirka arrimaha Dibada Eritrea.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close