Wararka
Ra’iisal wasaare Khayre oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Norway.
Dowlada Norway ayaa qayb ka ah wadamada Soomaaliya ka taageera nabadayta, barnaamijyada horumarinta iyo bini’aadninimada.
Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Norway Ine Eriksen Soreide ayaa maanta booqasho ku timid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cabduule kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre ayaa soo dhaweynta kadib xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Norway Ine Eriksen Soreide waxaa ayna kulankooda ugu hadleen xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood.
Ine Marie Eriksen Søreide ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celisay soo dhawaynta loo sameeyay waxa ayna amaantay horumarka ay dowlada Soomaaliya ay ku tillaabsatay iyo dib-u-habeynta ballaaran ee ay dawladda Soomaaliya ka waddo hay’adaha dowladda.
Dowlada Norway ayaa qayb ka ah wadamada Soomaaliya ka taageera nabadayta, barnaamijyada horumarinta iyo bini’aadninimada.