Wararka
Wasiirka arrimaha dibadda dalka Iiran Mohammad Javad Zarif oo sheegay in Iiran ay iska difaaic doonta dagaal nooc kasta ah oo ugu yimaado dhanka Maraykanka.
Wasiirka arrimaha dibadda dalka Iiran Mohammad Javad Zarif, oo ku sugan dalka Ciraaq ayaa maanta mar uu shir jaraa’iid la qaatay diggiisa dalka Ciraaq Mohammed al-Hakim waxaa uu ka hadlay xaaladda sare u sii ka caysa ee u dhaxeeysa Maraykanka iyo Iiraan.
Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in Iiran ay heshiisya lagalayso dalalka gacanka Carbeed ee dariska la ah iyadoo xiriir wanagsan la lahaan doonta wadamadaas.
Wasiir Zarif ayaa dhankale sheegay in Iiran ay iska difiici doonta dagaal kasta oo ugu yimaado dhanka dalka Maraykanka, ha ahaado dagal dhaqaale ama mid militari.
“waxaan iska difaaci doonnaa dadaal kasta oo ka dhan ah Iran, ha ahaado dagaal dhaqaale ama mid millatari ah, waxaana dadaalladan ku wajahaynaa si awood leh,” ayuu yiri wasiir Mohammad Javad Zarif.
Xiisaddaan yaa kor u kacday intii u dhexeysay bishaan guddaheeda kadib markii maraakiib shidaal oo ku sugnaa xeebaha gacanka Carbeed la weeraray, Washington ayaana ku eedeeysay weeraradaan in ay ka danbeysay dalka Iiran.
Wixii intaas kadanbeeyay, Maraykanka ayaa xeebaha gacanka Carbeed u diray ciidama dheeri ah oo gaarayo 1,500 oo askari.
Wasiirka arrimaha dibada dalka Ciraaq Mohammed al-Hakim, oo dhankiisa ka hadlay shirka jaraa’iid ayaa sheegay in ciraaq ay garab-taagantahay Iiran sidoo kalena ay isku dayiyaan in ay u dhaqdaan si dhaxdhaxaadnimo leh oo ay u kala dhex galaan dariskooda iyo dalka Maraykanka.
” waxaan si cad oo daacadnima leh ugu soo horjeednaa ficilada ay samaynayso dowlada Maraykanka. Waxaan garabtaganahay dowlada Islaamiga ah ee Iiran” waxaa sidaas yiri Hakim.
Dowladaha Maraykanka iyo Iiraan ayaa laba saaxib la ah dowlada Ciraaq waxaana cadeyn sida ay u kala dhax-gali doonta labadaan dowladood.
Dhanka kale wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda dalka Iiran Abbas Araqchi ayaa isna gaaray dalka Cumaan waxaa uuna la kulmay wasiirka suldaanka dalkaas ugu wakiilka ah arrimaha dibadda, Yousuf bin Alawi bin Abdullah isagoo kala hadlay horumarka gobolka.
Bin Alawi ayaa isbuuci tagay sheegay in dalkiisa uu isku dayaayo in uu xubna kale lakaashado si lagu dajiyo xaalada ka dhex aloosan barigga dhexe iyo Maraykanka.
warbaahinta dalka Iiran ayaa hadal ay kasoo xigatay afhayeenka wasiirka arrimaha dibadda dalka Iiran Abbas Mousavi waxaa uu sheegay in wax wadahadala toos ah ama dadban ee ay wada yeesheen dowladaha Iiran iyo Maraykanka aysan jirin.