Wararka
Wasiirka arimaha dibaadda ee Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Marooko.
Axmed Ciise Cawad Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqsho rasmi ah ku tagay dalka marooko.
Booqashadan oo qaadan doonta muddo laba maalmood ah waxaa wasiir Cawad ku wehlinaya xubno diblomaasiyiin ah oo heerkoodu sareeyo.
Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa muddada aay joogaan dalkaas,waxay wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonaan masuuliyiinta kala duwan ee ka tirsan dalka marooko.
Wasiirka arimaha dibadda ee Marooko Nasser Bourita ayaa dhankiisa xusay in labada dal ka wada hadlayaan xoojinta xiriirka laba dal ee soo jireenka aha iyo qaabkii loo sii horumarin lahaa,dhidibadana loogu aasi lahaa iskaashi dhinacyo badan leh oo u adeeggaya danaha labada dal ee walaalaha ah.