Wararka
Wasiirka Amniga Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Masar.
Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuubakar Isloow iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Masar, General Maxamuud Towfiiq.
Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay kaalinta hoggaamineed ee Masar ay ku leedahay qaaradda Afrika.
Wasiirka ayaa intaas ku daray inay Soomaaliya doonayso in ay ka faa’iideysto khibradda dalka Masar ee ku aaddan dhanka ciidmamada booliska .
Dhanka kale , Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Masar ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in ay laba-laabaan dadaallada wadajirka ah iyo iskaashiga labada dal ee dhanka ammaanka iyo xasiloonida.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay inay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka caawiyaan tababaridda Booliska.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay wada shaqeynta iyo inay laamaha amniga wadaagaan warbixinnada, si loo yareeyo dambiyada iyo falalka argagixisada.
Labada wasiir ayaa kala saxiixday is-fahan la xiriira iskaashiga arrimaha amniga iyo is-dhaafsiga khibradaha.
Kulanka waxaa goob jooga ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Mudane Cabdiqani Maxamed Waceys iyo mas’uuliyiin kale.