Wararka

Wasiirka Amniga Galmudug oo ka hadlay Is-casilaada Taliyihii Booliiska Dhuusamareeb.

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug Ahmed Moallim Fiqi ayaa ku gacan seeray eedeyn uu u soo jeediyay Taliyihii Booliiska Dhuusamareeb Dhamme Burhaan Axmed kaas oo sheegay in uu xilka iska casilay kadib gabood falla ay wadaan saraakiisha ka sarayso.

Ahmed Moallim Fiqi ayaa sheegay in dowlad goboleedka Galmudug ay marayso marxalad kala wareeg ah sidoo kale ay wakhti yar ka hartay baaqigii ka haray wax uu ugu yeeray “waqtigii fowdada iyo kooxaysiga”
Sidoo kale wasiirka ayaa is casilaada taliyaha ku tilmaamay mid aan ka turjumeyn hanaanka ciidanka Booliska waxaa uuna sarkaalka ku micneeyay in uu yahay askari wax soo qabta, garsoore wax eedeeya iyo qaali xukun rida sidaasina aysan aheen mid sax ah.

“Lama arag askari ama sarkaal inkirsan maamulkii uu la shaqaynayey una yaqaan kuwo Alshabaab la shaqeeya, kaasoo isku ah; askari wax soo qabta, garsoore wax eedeeya iyo qaali xukun rida” ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.

Wasiirka waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay in askarta inta aan shaqo loo dirin ka hor la soo baraa shuruucda ciidanka iyo in ay ogaadaan in aan sharciga loo qaloocin karin waxa uu ruuxa aaminsanyahay iyo aragtida shaqsiga.

“Sarkaalka ama askariga inta aan shaqo loo dirin ka hor waa In la soo baraa shuruucda ciidanka. Sharcigana looma qaloocin karo dhanka waxa aad aaminsanayd inta aadan askari noqon oo ah dadka kaa aragtida duwan oo dhan in aad ku dhejiso shaabad seeko ah oo alshabaabnimo” ayuu ku daray hadalkiisa.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close