Wararka
Wasiirada Shaqada iyo Qorsheynta oo wada-yeshay kulan gar ah.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax iyo Wasiirka Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Amb. Jamaal Maxamed Xasan ayaa wada yeeshay kulan ay kaga hadleen Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP9).
Sidoo kale Wasiiradda ayaa ka wada hadlay qodoba kale oo ay kamid yihii iskaashiga horumarinta bulshada, shaqada iyo qeybaha shaqo abuurka.
Wasiiradda cusub ee dhawaan la ansixiyay ayuu Ra’isal wasaare Maxamed Xuseen Roble Faray in ay dar dar galiyaan howlaha ay Qaranka u hayaan ee loo igmaday.