Wararka
Wasiir Xasan Cali Maxamed amar-dambe oo kulan la qaatay Safiirka Midowga yurub ee somaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga xukuumada federaalka Soomaaliya Xil. Xasan Cali Maxamed oo maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga yurub ee somaliya ayaa kala hadlay xoojinta Xiriira labada dhinac iyo sidii midowga yurub iyo Soomaaliya ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ay dowlada kula jirto Al-shabaab.
Wasiir Xasan Cali Maxamed amar-dambe ayaa ka hadlay howlagada ay ciidanka Xoogga Dalka Somaliya kawadaan qaybo kamid ah gobolada dalka waxaa uuna intaasi ku daray in ciidanka xogga ay deegaanno badan ay ka qabsadeen Al-shabaab.
Sidoo kale safiirka midowga yurub ee Soomaaliya oo dhankiisa ka hadlay kulanka ayaa xusay in dadaalo muuqda iyo dhaqdhaqaaqyo ciidanka ay wadaan ciidamada DFS, Soomaaliyana ay ka soo kabaneyso dhinacyo kala duwan.