Wararka
Wasiir waxbarashada oo saxiixay mashruuca horumarinta waxbarashada.
Wasiirka waxbarashada xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka waxaa uu ka daahfuray oo uu saxiixay mashruuca horumarinta waxbarashada (Education Cannot Wait).
Mashruucaan ayaa waxaa iska kaashanaayo oo si wadajir ah u fulinaayo Hay’adda ADRA iyo Wasaaradda Waxbarashada waxaana kala fulin doonaa dhammaan gobolada dalka oo idil waxaa uuna faa’iido badan u ahaan doonaa jiilka Soomaaliyeed ee u heelan in ay helaan waxbarasho taya leh.
Wasiirka wasaaraadda waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku faaffaahiyay mashruuca uu maanta saxiixay iyo Ahmiyadda uu u leeyahay Horumarinta waxbarashada Caruurta Soomaaliyeed..
“Waxaan maanta daah-furay isla markaana saxiixay mashruuca horumarinta waxbarashada ee (Education Cannot Wait) oo ay si wadajir ah u fulinayaan Hay’adda ADRA iyo Wasaaradda Waxbarashada, Mashruucaan ayaa waxaa laga fulin doonaa dhammaan gobolada dalka oo idil” ayuu ku yiri bartiisa twitter-ka wasiirka waxbarashada.
Waxaa daah-furka mashruuca horumarinta waxbarashada (Education Cannot Wait) goobjoog ka ahaa hay’adaha ay ka mid yihiin USAID, EU, ECW secretarial, UNICEF iyo ADRA.