Wararka

Wasiir Maareye oo shir guddoomiyay kulankii labaad ee guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda.

Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shir guddoomiyay kulankii Labaad ee guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda Soomaaliya oo ku beegan 26-ka June iyo 1-da Luulyo.

Wasiir Maareeye oo ah guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda ayaa ka warbixiyay sida loogu siyaar garoobayo xuska maalmaha xorriyadda, wuxuuna Shacabka iyo Safiirrada caalamka ka jooga Soomaaliya kula dardaarmay in ay dhankoodana u diyaar garoobaan weyneynta maalmaha xorriyadda.

Waxaa kulankaan Goob jog ka ahaa Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha’ Khadiija Maxamed  Diiriye, taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida, xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, maamulka Gobolka Banadir iyo Abwaanno.

Shirkaan ayaa intee uu socday waxaa looga dooday sidii loo diyaarin lahaa goobaha ku habboon ee lagu qaban doono xuska iyo xafladahaha dabaaldegyada, adkeynta amniga iyo diyaarinta Suugaanta xoriyadda.

Guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda ee maanta yeeshay kulankoodii Labaad, ayaa waxaa  Bishan dhaxdeeda magacaabay Ra’iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Kheyre, si ay u abaabulaan xuska maalmaha xorriyadda ee foodda nagu soo haya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close