Wararka

Wasiir Maareye oo ka warbixiyay dorka ay dowlada Jabuti ka qaadatay dowladnimada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada xorriyadda ahna wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka warbixiyay u diyaar garowgii ugu danbeeyay ee ay ugu jiraan munasabada 1-da Luulyo ayaa dowladda Jabuuti uga mahad celiyay doorkii ay ka qaadatay dib u yagleelida dowladnimada Soomaaliya 20 sano ka hor.

Sidoo kale Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo xubin ka ah guddiga qaban qaabada xorriyadda ayaa xustay in 20 sano guurada dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya ay micno weyn u leedahay Soomaaliya.

Maalinta kowda Luulyo oo dalka laga xusa maalinkii uu xurnimada ka qaatay guumeeystihii Talyaaniga waxaana sanadkaani uu ku soo aaday 60 sana guurada xurnimada iyadoo coronaviruska jiro.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close