Wararka
Wasiir Maareeya oo maanta Cisbitaal ku booqday Fanaannadda Qaran ee Seynab Xaaji Cali Siigaale (Baxsan).
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta booqday Fanaannadda Qaran ee Seynab Xaaji Cali Siigaale (Baxsan) oo muddo xannuun dhinaca wadnaha ah kula jirta mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho.
Wasiir Maareeye waxaa socdaalka booqashada ku wehlinaayay Maareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigelinta, Maareeye ku xigeenka iyo Xubno ka tirsan Hobollada Waaberi.
Wasiirka ayaa warbixin ka dhagaystay Qaar ka mid ah Ehellada Fanaannadda iyagoo sheegay in xannuunkan uu muddo dheer hayo, cilladduna ay dhanka Wadnaha tahay, sidoo kale waxa ay tilmaameen in Dhaqaatiirtu ay xaqiijiyeen in xaaladeeda aan waxba Dalka gudihiisa looga qaban karin.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in uu ka xun yahay xanuunka fanaannadan Qaran, isagoo balan qaaday in ay dadaal badan ku bixinayaan sidii Caafimaad dibedda ah loogu qaadi lahaa Seyban.
Seynab Xaaji Cali Baxsan oo hadda qof da’ ah ayaa lagu xusuustaa kaalintii ay Fanka Soomaaliyeed ku lahayd iyo taariikhdii dhinaca Suugaanta, Wasiir Maareeya ayaana sheegay in dowlada ay ka ka go’an tahay sidii looga dhabeyn lahaa wax u qabashada Baxsan iyo dadka la mid ahba.