Wararka
Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo Mugdisho ka daahfuray cilmiyga Injineernimada iyo teknoolijiyadda.
Wasiir ku xigeynka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa maanta magalada muqdisho ka daah furay shirka looga hadlayo Horumainta cilmiyga Injineerin iyo teknoolijiyadda oo ay soo qaban qaabeyeen Jaamacadaha Jamhuuriya iyo Simad.
Daah furka shirka horumarinta engineering secience & technology ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda Jaamacadaha Simad iyo Jamhuura ,madax ka socotay Jamaacaddaha kale ee ku yaala magaalada muqdisho, aqoon yahano qibrad u leh taqasuusyada cilmiyga Injineernimada iyo teknoolijiyadda, arday wax kabarta Jaamacadaha Jamhuuriya & Simad iyo marti sharafkale oo lagu casumay .
Madaxda Jaamacadaha Jamhuuriya iyo Simad ayaa soo bandhigay aragtidooda ku aadan soo kordhinta cilmi baaris ku saabsan aqoonta iyaga oo adeegsanayo dhiiri galinta taas oo ay ku mideysan yihiin labada Jaamadood.
Wasiir ku xigenka wasaaradda waxbarashada Feysal Cumar Guuleed ayaa bogaadiyay dadaalka iyo dhiiri galinta ay sameynayaan Jaamacadahaan iyo cilmi baaristooda ku aadan horumarinta taqasuusyada cilmiyga Injineernimada iyo teknoolijiyadda.