Wararka
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gadiidka KGS oo tababar u furay 15 askari oo ka tirsan Booliiska Koonfur Galbeed.
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gadiidka Cirka iyo Dhulka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdisalaan Cabdulahi Yalaxow ayaa maanta Magaalada Baydhabo ku daahfurey Tababar loo qabtey ciidamo ka tirsan Booliiska KGS.
Ciidankaan oo gaaraayay 15 askari, kuwaas oo sugi doona Amaanka Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud International Airport ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu dababarkoodu socon doona Mudo 7maalin ah waxaana tababarka casharada bixin doono saraakiil katirsan Booliiska Ciidamda Nabad ilaalada Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom).
Furitaanka shirkaan waxaa Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gadiidka Cirka iyo Dhulka KGs kala soo qayb galay Gadoomiyaha Gobolka Bay iyo agaasimaha wasaaradda Gaadiidka.