Wararka

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Maxamuud Siraaji oo dib u hagaajin ku samaynaya qaab dhismeedka maamul ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Muqdisho, November 21, 2020 – Wasiir kuxige

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, ayaa maanta oo Sabti ah shir-guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha, iyadoo uu goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada, Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, waxaana loogaga hadlay dib u habaynta qaab dhismeedka maamul si loo horumariyo howl-gudashada, lana wanaajiyo jawiga shaqada si ka qeyb qaadan karta hirgalinta howlaha si hufan, taabagelinaysana awoodaha iyo qaadashada go’aan habsami leh.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, ayaa sheegay in dib u hagaajinta qaab dhismeedka maamul ee Wasaaradda ay la jaanqaadeyso aragtida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaanka u hayo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble si loo gaaro ujeeddooyinka istiraatiijiyadeed ee xakamaynaya, midaynaya, sidoo kalena is-waafajinaya howsha si loo horumariyo adeegyada qunsuliyadeed iyo waxqabadka shaqo iyada oo loo marayo hay’ad dhisid hufnaan iyo waxtar leh.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close