Wararka
Wasiir ku-xigeenka waxbarashada oo Gobolka Gedo ka daahfuray qiimeynta imtixaanka macallimiinta.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa ka daah furay dagmooyinka Balad Xaawo iyo Dooloow Ee Gobalka Gado qiimeynta imtixaanka macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada kuyaalla Gobalka gedo si loo ogaado heerka tayada aqoonta iyo gudbinta xirfadda macallinnimada.a
Wasaaradda ayaa waddo qiimeyn Guud oo ay ku samaynayso dhamaan macalimiinta wax ka dhigo Iskoolada dalka si kor loogu qaado tayada ardayda kazoo baxayso dugsiyada loona xaqiijiyo tayada waxa ay barayaan ardayda Soomaaliyeed.
Wafdiga uu hoggaaminaayo Wasiir ku xigeenada wasaaraddaha waxbarashada ayaa shalay gaaray magaalada Doolwoo iyagoo ugu sii gudbay Magaalada Balad Xaawo waxaa ayna halkaasi kaga qayb galeen qalinjibinta dufcadii 10-aad ardayda machadka farsamada Sayid Mohamed Technical Education College.